Xiddiga reer England ee Marcus Rashford ayaa goordhoweyd iska xaadiriyey xarunta Manchester United ee Carrington oo kulan albaabadu u xidhan yihiin uu kula yeelan doono tababare Erik ten Hag, kaddib markii laacibkani uu laba habeen kusoo jeeday hotel lagu tunto, kaddibna uu subaxnimadii ka maqnaaday tababarka isagoo ku andacooday inuu xanuunsanayo.
Rashford ayaa laga saaray liiska ciyaartoyda Manchester United ee xalay guusha kasoo gaadhay Newport, kaddib markii uu ku caweeyey hotel nooca fusuqa iyo tumashada ah oo ku yaalla magaalada Belfast uu laba habeen oo isku xiga ku dibjiray.
Khamiistii ayaa la arkay isaga oo hotelka gelaya oo isku dayaya inuu wajiga qarsado, waxaana sawirro iyo muuqaal ka duubay dad goobta joogay, iyadoo maalintii xigtay ee Jimcihiina uu Rashford usoo sheegay tababare Ten Hag in aanu iman karaynin tababarka oo uu xanuunsanayo.
Labadii habeen ee isku xigay ee uu ku noqday hotelka lagu magacaabo Thompsons Garage, waxa uu labadoodii maalmood ee xigayba ka maqnaaday tababarka, waxaana fadeexaddiisa fashiliyey warbaahinta Ingiriiska oo soo bandhigtay.
Inkasta oo uu tababare Ten Hag ku sheegay inuu xanuun uga reebay liiska kooxdiisa ciyaartii xalay, haddana wararka ayaa sheegaya in laacibkan anshax-xumada uu sameeyey daraadeed looga tuuray liiska kooxda.
26 jirkan ayaa isaga oo wata baabuurkiisa Lamborghini ah waxa uu saaka tegay garoonka tababarak ee Corrington, waxaana inta aan loo ogolaanin inuu ciyaartoyda dhax galo uu xafiiskiisa kula kulmi doonaa tababare Ten Hag.
Wararka ayaa sheegaya in lagu ganaaxi doono lacag dhan £650,000 Gini oo laga jarayo mushaharka uu ka qaato Manchester United.