Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inuu ka tegay oo ay soo gaabisay heshiis sannad ahaa oo ay xagaagii kula soo wareegtay difaaca bidix ee reer Spain ee Sergio Reguilon, kaas oo dib ugu laabanaya kooxdiisii hore ee Tottenham Hotspu.
Sergio Reguilon ayay Manchester United amaah sannad ah kaga soo qaadatay Tottenham ka hor intii aanu xidhmin suuqii xagaaga, si uu ugu buuxiyo boosaska ay ka dhaawacmeen Luke Shaw iyo Tyrell Malacia.
12 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah ayuu Sergio Reguilon u saftay Manchester United qaybta hore ee xilli-ciyaareedkan 2023/24, laakiin waxa isagana ragaadiyey dhaawacyo iyo iyadoo ay ciyaartiisu hoos u dhacday taas oo keentay in Erik ten Hag uu go’aamiyo in la burburiyo qandaraaskiisa oo dib loogu diro kooxdii ay kala soo wareegeen ee Tottenham.
War-saxaafadeed ay soo saartay Manchester United oo ay ku shaacisay in ay burburisay heshiiska Sergio Reguilon ayaa u dhignaa sidan: “Sergio Reguilon waxa uu dib ugu laabanayaa kooxdiisii Tottenham Hotspur kaddib markii ay Manchester United dhaqangelisay qodob u ogolaanayay inay burin karto heshiiska amaahda.
“Difaaca reer Spain waxa uu si ku-meelgaadh ah ugu soo biiray United bishii August, waxaana uu sameeyey bandhig wanaagsan qaybta hore ee xilli-ciyaareedka, isaga oo buuxiyey kaalintii loo keenay ee ahayd inuu buuxiyo boosaska Luke Shaw iyo Tyrell Malacia oo dhaawacyo waqti dheer galay.”
Si kastaba, Manchester United waxay uga mahad-celisay Sergio Reguilon shaqadii uu ka qabtay Old Trafford muddadii uu joogay.