Weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa iyadoo la sheegayo inay wada-hadallo u socdaan kooxda reer Spain ee Real Madrid oo uu si xor ah ugu biiri karayo xagaaga, isaga oo bishan January heshiis hordhac ah usii saxeexi karaya.
Kylian Mbappe oo qandaraaskiisa PSG uu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan socda, ayaa hore iskaga diiday inuu heshiis cusub u saxeexo kooxdiisa PSG, waxaana uu sidoo kale diiday inuu dhaqangeliyo qodob dhigayay inuu sannad kale sii joogo Parc des Princes.
25 jirkan oo xalay la hadlay saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in aanu wali go’aan ka gaadhin mustaqbalkiisa isla markaana uu haysto illaa dhamaadka xilli-ciyaareedka, waxaanu yidhi: “Maya, illaa hadda go’aan kama gaadhin mustaqbalkayaga. Sannadkan cusub waxa aan ku bilowday dhiirranaan, taas ayaana muhiim ii ah. Waa in aanu ku guuleysanayaa koobab, mar horena mid ayaanu qaadnay.
“Wali go’aan ma aanan gaadhin. Wali waxba ma aanan dooran. Heshiiskii ayaanu gaadhnay madaxweynaha xagaagii, go’aankayguna muhiim ma aha mar haddii aanu dhawrnay dhinacyada oo dhan oo aanu ilaalinay in aanu daacad ahaano si ay kooxdu u tartanto, taas ayaana ahayd waxa ugu muhiimsan. Markaa, dhamaadka xilli-ciyaareedka ayaynu ka hadli doonaa go’aanka.”
Heshiiska uu Kylian Mbappe sheegayo in xagaagii ay wada-gaadheen Madaxweynaha PSG ayaa ahaa in uu ka dhaafo kooxda oo aanu ka qaadin lacag dhan €80 milyan oo Euro oo ahayd gunno uu PSG ku waajibinayay qandaraaskii uu laacibkani u saxeexay sannadkii sannadkii hore.