Tababareyaashii hore ee kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri iyo Rafa Benitez ayaa maanta shaqada laga wada caydhiyey, kaddibnatiijooyin liitay oo ay ka keeneen garoomada naadiyadooda Lazio iyo Celta Vigo.
Rafa Benitez ayaa duhurkii ay soo baxday warqadda shaqada lagaga caydhiyey, waxaana uu kooxdaas kabaxayaa isaga oo siddeed bilood oo kaliya laylinayey, isla markaana awoodi waayey inuu ku xajiyo tubta guusha.
Tababarahan hore ee kooxaha Liverpool, Real Madrid Inter Milan iyo Valencia, ayaa ay maamulka Celta Vigo go’aansadeen in ay eryaan markii ay Real Madrid 4-0 ku xasuuqday Axaddii, isla markaana shantii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka LaLiga ay hal mar oo kaliya guul ka keeneen.
Celta Vigo ayaa shaacisay inay ku qasbanaatay inay isbeddel samayso maadaama ay kooxdu ku jirto kaalinta 17aad oo ay kaliya laba dhibcood ka sarreeyaan khadka cas, iyadoo toban kulan ka hadhsan yihiin dhamaadka xilli-ciyaareedka.
Dhinaca kale, kooxda kubadda cagta Lazio ayaa ku dhawaaqday inay shaqada ka eriday tababaraheeda Maurizio Sarri oo isaguna hore usoo layliyey Chelsea.
Sarri ayaa la sheegay inuu dhinaciisa ka qaatay go’aanka ah inuu ka tago kooxda kaddi markii ay Bayern Munich ka reebtay tartanka Champions League, sidoo kaelna ay Udinese guul-darro xanuun badan u xambaarisay usbuucan.