Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa bixin doonta lacag malaayiin Gini ah haddii ay shaqada ka erido tababaraheeda Erik ten Hag oo xilli-ciyaareed xun ku jira, kaas oo fursadda kaliya ee naadigiisa uu koob ugu qaadi karayo xilli-ciyaareedkan uu yahay tartanka FA Cup oo ay wareegga siddeedda isku dhaceen Liverpool.
Maamulka cusub ee Manchester United ee Sir Jim Ratcliffe ayaa la sheegay in ay go’aamiyeen in ay shaqada ka cadhiyaan Erik ten Hag marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda.
United oo halis ugu jirta inay ka maqnaato tartanka Champions League ee xilli-ciyaareedka dambe maadaama ay fadhido kaalinta lixaad ee miiska kala-sarraynta xilli ay toban ciyaarood ka hadhsan yihiin dhamaadka xilli-ciyaareedka, ayaa waxa lala xidhiidhinayaa tababareyaal dhawr ah oo ay ugu horreeyaan Zinedine Zidane, Thomas Tuchel iyo Roberto de Zerbi.
Sida uu qoray wargeyska The Times, Manchester United ayaa waxa waajib ku noqon doonta inay bixiso £10 milyan oo Gini oo magdhow ah oo ay siin doonto tababare Erik ten Hag haddii ay shaqada ka eryaan.
Natiijada ciyaarta Axadda ee wareegga siddeedda FA Cup ee Liverpool ayaa dad badan ay isku raacsan yihiin inay go’aamin doonto mustaqbalka tababare Erik ten Hag.
Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegaysa, in Erik ten Hag ay hubaal tahay in la eryi doono marka uu xilli-ciyaareedku dhamaado haddii ay Liverpool ku reebto wareegga siddeedda iyaga oo waliba jooga garoonkooda Old Trafford.