Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa tababaraheeda cusub u magacowday Arne Slot, waxaana uu beddeli doonaa Jurgen Klopp oo bishii January ku dhawaaqay inuu ka tegayo kooxdaas dhamaadaka xilli-ciyaareedkan.
Arne Slot oo ay da’diisu tahay 45 jir ayaa u dhashay waddanka Netherlands ama Holland, waxaana uu waqtigan yahay tababaraha kooxda Feyenoord oo kaalinta labaad kaga jirta horyaalka Eredivisie.
Liverpool ayaa heshiis shaqsi ah la gaadhay Arne Slot maalintii Arbacada, waxaana markaas kaddib ay Liverpool u jeedsatay kooxda Feyenoord oo ay lab adii maalmood ee ugu dambeeyey ka wada-xaajoonayeen qiimaha lacagta ay Reds bixinayso maadaama uu tababarahani heshiis dheer kula jiray kooxdaas.
Liveprool ayaa bixin doonta inta u dhaxaysa €13 milyan oo Euro illaa €15 milyan oo Euro oo ay u shubi doonto Feyenoord iyadoo qaybo ka mid ah lacagtaasi ay ku xidhnaan doonto guulaha uu Slot la gaadho kooxdiisa cusub.
24ka saacadood ee soo socda ayaa si rasmi ah ay labada kooxoodba ugu dhawaaqi doonaan heshiiska Arne Slot uu ku tegayo Liverpool, waxaana uu markaas kaddib isku diyaarin doonaa safarkiisa England iyo labadakulan ee ugu dambeeya ee uu kooxdaas ku sagootinayo ee dhamaadka xilli-ciyaareedka horyaalka Eredivisie.
Arne Slot ayaa waxa uu hore usoo layliyey kooxda AZ Alkmaar, ka hor intii aanu imannin Feyenoord.