Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa 14 dhibcood ku qabatay hoggaanka horyaalka waddanka Spain ee LaLiga oo ay shan ciyaarood baaqi u yihiin, kaddib markii ay guul 1-0 ah kasoo gaadheen Real Sociedad oo ay ku booqdeen garoonka Anoeta Stadium ee hadda magaciisa loo beddelay Reale Arena.
Gool madi ah oo uu qaybtii hore u dhaliyey xiddiga reer Turkey ee Arda Guler ayaa Real Madrid u go’aamiyey guushan dahabi ah oo kusii dhoweysay ku guuleysiga horyaalka LaLiga oo ay hadda kaliya sugayaan waqtiga lagu wareejin doono.
Ciyaartan oo uu tababare Carlo Ancelotti toddoba isbeddel ku sameeyey shaxdiisa isla markaana uu soo qaddimay ciyaartoydii kaydka ahaa, ayaa waxa natiijadeedu ay keentay in Los Blancos ay 84 dhibcood, waxaanay 14 dhibcood ka dambeeyaan Barcelona oo kaalinta labaad ku jirta oo Axadda ciyaari doonta kulankeeda usbuuca.
Kubbad uu khadka dhexe ka tuuray Luka Modric ayaa waxa garabka midig oo xerada ganaaxa ah ka helay Dani Carvajal, waxaana uu isaguna soo dhigay goolka hortiisa oo uu ka helay Arda Guler oo lugta bidix ku dhamaystiray.
Guler ayaa ay si weyn ula dabbaal-degeen ciyaartoyda kooxdiisa Real Madrid oo u muujiyey in uu yahay mustaqbalka kooxda, waxaana markii la beddelay u istaagay jamaahiirta kooxdiisa.
Saddex daqiiqadood kaddib ayay Real Sociedad keentay gool ay ciyaarta ku barbarreeyeen oo uu u dhaliyey Take Kubo, laakiin markii ay dabbaal-degga dhamaysteen ayay VAR soo hadashay oo ay u yeedhay garsooraha oo lagu wargeliyey in qalad lagu galay Tchouameni markii kubadda laga qaadanayey, sidaas ayaana goolkaas lagu diiday.
Markii lagu soo nqoday qaybta labaad ayay Real Madrid ku doodday in rikoodhe loo dhigo markii kubbad uu Brahim Diaz tuuray ay gacanta kaga dhacday ciyaartoy kale, laakiin garsooraha ayaan u jawaabin.
Kepa Arrizabalaga ayaa badbaadiyey dhawr kubbadood oo halis ahaa oo qaarkood uu garab ka helay difaaca oo markii uu kubadda joojiyey ay ka baxsatay balse ay difaacyahannadu ka saareen.
Daqiiqaddii 73aad ayay Real Sociedad dhalisay gool kale oo isagana laga diiday, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 1-0 ay Real Madrid guushu ku raacday.
Real Madrid ayaa waxa ay hadda isku diyaarin doontaa ciyaarta Bayern Munich ee lugta hore ee semi-finalka Champions League oo ay safar ku tegi doono waddanka Germany.