Kooxda kubadda cagta Manchester City ayay jug weyn soo gaadhay caawa, iyadoo afar maalmood oo kali ahi ka hadhsan yihiin ciyaarta adag ee Manchester City ay Axadda ku martigelinayso Arsenal.
Difaaca dhexe ee laf-dhabarta ah ee John Stones ayaa toban daqiiqadood oo kaliya kaga baxay garoonka ciyaartii xulka qaranka England iyo Belgium ee garoonka Wemblay, kaddib markii uu soo gaadhay dhaawac u muuqday inuu yahay kuraanta.
Manchester City iyo xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa laga sugayaa inay warbixin kasoo saaraan inta uu le’egyahay dhaawaca laacibkan oo isaga oo kubbad jiidanaya ay lugtu liicday, isla markaana awoodi waayey inuu kusii jiro garoonka.
Dhakhaatiirta xulka England ayaa ugu soo gashay garoonka si ay u caawiso John Stones oo socodku ku adkaaday, waxaana ay isla markiiba go’aamiyeen in la beddelo iyadoo booskiisana uu soo galay Joe Gomez.
Waxa kale oo maanta dhaawacmay difaaca dhexe ee reer Switzerland ee Manuel Akanji oo wax ku noqday garoonka tababarka uu dalkiisu iskugu diyaarinayey ciyaarta saaxiibtinimo ee Ireland.
Labadan dhaawac ee difaaca dhexe ah ayaa waxa ay imanayaan afar maalmood ka hor ciyaarta Axadda ay Manchester City ku qaabbilayso Arsenal oo hal dhibic ka horreysa.
Man City ayaa waxa toddobaadkan horraantiisii ka dhaawacmay difaaca midig ee Kyle Walker oo garoonka ka baxay qaybta hore ee ciyaartii saaxiibtinimo ee Brazil.