Xulka qaranka England ayaa barbarro waqti dambe ah ka tuugay Belgium oo qaybta horeba sii shaqaystay goolashiisa, waxaana la baxsaday oo dhamaadka ciyaarta oo loo diyaargaroobayo goolka guul-darrada ka badbaadiyey Jude Bellingham.
England oo Axaddii ay Brazil kaga adkaatay 1-0 iyaga oo jooga garoonka Wembley Stadium ee magaalada London, ayaa waxa ay isla garoonkaas ku qaabbileen xulka Belgium oo ilbidhiqsiyadii ugu dambeeyey ay la barbarreeyeen.
Belgium ayaa gool la hormaray daqiiqaddii 11aad ee bilowga ciyaarta, waxaana u dhaliyey laacibka khadka dhexe ee Youri Tielemans oo ka faa’iidaystay qalad uu sameeyey goolhaye Jordan Pickford.
Xulka England ayaa rikoodhe laga soo hubiyey VAR loo dhigay daqiiqaddii 17aad, waxaana shabaqa ku hubsaday Ivan Toney oo dhinaca qaldan u diray goolhayaha Belgium.
England ayaa u qaadatay inay guusha xaqiijisanayso markii ay gool labaad keentay daqiiqaddii 27aad, waxaana u dhaliyey Jarrod Bowen hase yeeshee markii ay dabbaal-dega bilaabeen ayaa waxa lagu wargeliyey in VAR ay hubinayso in uu offside ku jiray iyo in kale, ugu dambayntiina waxa la diiday goolkaas.
Romelu Lukaku ayaa kubbad ka boobay difaaca Ingiriiska, waxaana uu laad lugta bidix ah goolka usoo hordhigay Tielemans oo madax awood badan shubaqa ugu leexiyey, ciyaartana ka dhigay 2-1.
Iyadoo Belgium ay isku qaateen inay guuleysanayaan ayaa ilbidhiqsiyadii ugu dambeeyey iyadoo ciyaartu maraysa 90+5 waxa kubbad dhinaca bidix ka keenay James Maddison oo beddel kusoo galay, waxaana goolka hortiisa ka helay Jude Bellingham oo ciyaarta ka dhigay 2-2.
Markii kubadda lasoo dhigay badhtamaha garoonka ee la bilaabay ayuu garsooruhu yeedhiyey siidhiga dhamaadka, iyadoo ciyaartuna sidaas ugu dhamaatay barbarro.
Dhinaca kale, xulka qaranka Portugal ayaa la kulmay waji-gabax waxaana 2-0 ku karbaashay xulka Slovakia iyadoo uu Cristiano Ronaldo ku jiro garoonka oo uu ciyaarayo. Labada gool ee guul-darrada Portugal keenay waxa dhaliyey Adam Cerin iyo Timi Elsnik.
Sidoo kale, xulka Germany ayaa waxa uu 2-1 ugu awood sheegtay Netherlands, halka Faransiisku ay 3-2 kaga adkaadeen Chile.
Natiijooyinka kulamadii ciyaaraha caalamiga ah ee caawa
France 3-2 Chile
Austria 6-1 Turkey
England 2-2 Belgium
Germany 2-1 Netherlands
Rep of Ireland 0-1 Switzerland
Scotland 0-1 Northern Ireland
Slovenia 2-0 Portugal
Denmark 2-0 Faroe Islands
Norway 1-1 Slovakia