Xidhiidhka kubadda cagta Spain ayaa ciqaab kusoo rogay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Real Madrid ee Jude Bellingham, kaas oo hore loogu riday ganaax laba ciyaarood ahaa oo uu kaga maqnaanayo kulamada horyaalka ee Celta Vigo iyo Osasuna.
Jude Bellingham oo casaan toos ah qaatay ciyaartii horyaalka LaLiga ee Valencia oo markii ay dhamaatay ay isaga iyo ciyaartoyda kooxdiisu ku xoomeen garsoore Gil Manazno oo sameeyey qalad isagana lagu ganaaxay oo ahaa inuu dhameeyey ciyaarta iyadoo kubaddu hawada ku jirta oo kusii socota goolka.
Real Madrid ayaa waxa ay rafcaan ka qaadatay ganaaxa labada ciyaarood ah ee la saaray Jude Bellingham, hase yeeshee guddida rafcaanka xidhiidhka Spain ee RFEF Appeals Committee ayaa go’aan ku gaadhay inay diidaan rafcaanka ay soo dalbatay Real Madrid.
Arrintan ayaa ka dhigan in Jude Bellingham uu ka maqnaan doono laba ciyaarood oo muhiim u ah kooxdiisa oo haddii ay guuleystaan ay ugu sii dhowaan doonaan ku guuleysiga horyaalka LaLiga, waxaase uu soo laaban doonaa ciyaarta adag ee Athletic Bilbao ee dhamaadka bishan ee kaddib kulamada caalamiga ah.