Inkasta oo Real Madrid ay hoggaaminayso horyaalka waddanka Spain ee LaLiga, isla markaana toddoba dhibcood ka horreeyaan kooxda kusoo xigta, ayaa waxa haddana ay ciyaartoyda kooxdaasi dareensan yihiin inay ku jiraan heerkii ugu hooseeyey, isla markaana aanay sii tartami karaynin.
Real Madrid ayaa waxa ay Arbacadii usoo gudubtay wareegga siddeedda tartanka UEFA Champions League inkasta oo ay soo bandhigeen ciyaar liidata oo sababtay inay barbarro ku kala baxaan RB Leipzig, waxaana caawisay lugtii hore ee ay guusha kusoo gaadheen waddanka Germany.
Sida uu ku warramayo wariyaha ciyaaraha ee Jorge C Picon, qolka labbiska Real Madrid ayaa waxa ay ciyaartoydu dareensan yihiin inay ku jiraan marxaladdii ugu liidatay xilli-ciyaareedka oo dhan, marka laga eego heerkooda ciyaareed oo uu hoos u dhac ku yimid.
Wariyaha ayaa intaa ku daray, in aanu qofna ka baqaynin inuu qiro in ciyaartoodu ay aad u hoosayso isla markaana aanay la loollami karaynin kooxaha kale ee Yurub haddii aanay sare usoo qaadin qaab ciyaareedkooda.
Lixdii bilood ee ugu dambeeyey, Real Madrid ayaa awood badan muujinaysay, waxaanay ku gacan sarraynaysay ciyaarta iyadoo goolashooduna meel walba ka imanayeen laakiin dhawrkii ciyaarood ee ugu dambeeyey, gaar ahaan labadii kulan ee Valencia iyo RB Leipzig ayaa keentay xaqiiqada ah in ay kooxdu liidato.