Halyeygii waddanka Germany ee Franz Beckenbauer ayaa la xaqiijiyey in uu goordhoweyd ku geeriyooday magaaalada Munich, waxaana baroor-diiq looga samaynayaa guud ahaan dalkaas oo uu ka ahaa geeri.
Franz Beckenbauer oo lagu tiriyo inuu ka mid ahaa ciyaartoydii ugu fiicnaa ee abid soo marta kubadda cagta ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen qoyskiisu waxay ku sheegeen in uu geeriyooday maanta, iyadoo lagu xasuusto guushii Koobka Adduunka.
Waxa lagu naanaysi jiray ‘Der Kaiser’ ama Qaysarka kubadda cagta, waxaana uu waayihiisii ciyaareed ku qaadday kooxaha Bayern Munich, Humburg iyo naadiga horyaalka Maraykanka ee New York Cosmos, isaga oo ay diiwaanka ugu jiraan in 582 ciyaarood oo uu u saftay Bayern Munich oo uu ku qaatay waqtigiisii ugu badnaa.
Xulkii qaranka Galbeedka Germany ayaa uu u safgtay 103 ciyaarood, waxaana uu ahaa kabtanka markii uu dalkiisu sannadkii 1974kii ku guuleystay Koobka Adduunka.
Sannadkii 1984kii ayuu Beckenbauer noqday tababaraha xulka Galbeedka Germany, waxaana isaga oo tababare ah uu xulka dalkiisa Germany u qaaday Koobkii Adduunka 1990kii, waxaana uu ka mid yahay saddexda qof ee kaliya ee iyaga oo ciyaartoy iyo tababareba ah ku guuleystay Koobka Adduunka, waxaana ku wehelinaya halyeygii Brazil ee Mario Zaggallo oo toddobaadkan geeriyooday iyo Didier Deschamps.