Ka hor kulamada adag ee horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxa jira walaac la xidhiidha ammaanka taageereyaasha iyadoo waliba ay garoonka Old Trafford ku ballansanyihiin kooxaha cadaawadda weyn ka dhaxayso ee Manchester United iyo Liverpool.
Waxa kale oo kulan adag ku ballasan Tottenham oo garoonkeeda ku qaabbilaysa Nottingham Forest, halka Chelsea ay la dheelayso Sheffield United.
Ciidamada ammaanka ayaa loogu yeedhay nin mindi lala dhacay isaga oo jooga garoonka hortiisa oo isla goobta ku dhintay, taas oo aanay wali faahfaahin ka bixin ciidamada ammaanku.
Arrintan oo abuuraysa walaac ayaa waxa ay ka dhacday bannaanka garoonka TOttenham Horspur Stadium ee magaalada London oo ay goordhow ka bilaabmi doonto ciyaarta Tottenham iyo Nottingham Forest.
Ninka geeriyooday ayaa la sheegay in mindi lagu dhuftay oo uu isla goobta ku geeriyooday, waxaana war-saxaafadeed degdeg ah oo ay soo saartay Tottenham ay ku sheegtay in uu dhac fal uu u geeriyooday hal qof, haddana ay booliska kala shaqaynayaan baadhitaanka qofkii geystay falkan.
Dadka ayaa sidoo kale ay ciidamada ammaanku ka dalbadeen in ay kusoo wargeliyaan haddii ay arkaan qofka falka geystay oo amaba cid ay ka shakisan yihiin oo ku hubaysan mindi.