Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa wali ku jirta xulashada tababaraheeda cusub ee u beddelaya Maurico Pochettino oo Salaasadii shaqada laga caydhiyey, waxaana wararkii ugu dambeeyey ee laga helay masuuliyiinta Blues ay sheegayaan in ay koox kale oo Premier League kula jirta kasoo xoogayaan tababarahooda.
Gellinkii hore ee maanta ayay soo baxeen warar sheegaya in Chelsea ay dib usoo ceshanayso Thomas Tuchel, hase yeeshee waxa haddana soo baxay war cusub oo tibaaxaya in Todd Boehly iyo Behdad Eghbali oo la shanaya Paul Winstanley iyo Laurence Stewart oo ahaa kuwii eryay Pochettino, in ay u jeedsadeen dhinaca Enzo Maresca oo ah tababaraha Leicester City ee hadda kasoo dallacday heerka labaad, isla markaana dib ugu soo noqotay horyaalka Premier League oo ay ka maqnayd xilli-ciyaareedkii dhamaaday.
Wargeyska The Sun ayaa sheegay in Chelsea ay iskugu biyo shubatay dhinaca Enzo Maresca oo uu noqday murashaxa koowaad ee xilkaas, iyagoo waliba ogaaday lacagta lagu burburin karayo qandaraaska uu laacibkani kula jiro kooxdiisa.
Qandaraaska Enzo Maresca ee Leicester City ayaa lagu burburin karayaa lacag dhan £8.5 milyan oo Gini oo ay tahay inay bixiso Blues si ay u hesho 44 jirkan oo xagaagii hore beddelay Dean Smith markii ay Leicester City u dhacday heerka labaad, iyaga oo 46 ciyaarood oo ay kooxdiisa Leicester City dheeshay ayay guuleysteen 31 ka mid ah.
.