Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa lagu soo warramayaa inay la xidhiidhay tababaraheedii hore ee ay shaqada ka eriday ee Thomas Tuchel oo toddobaadkan ka tegay Bayern Munich kaddib xilli-ciyaareed ay koobab la’aan ku dhamaysteen.
Chelsea ayaa Salaasadii waxay shaqada ka eriday tababare Mauricio Pochettino oo ay isku maandhaafeen siyaasadda suuqa iyo arrimo kale, waxaana go’aankan ka niyad-jabay ciyaartoyda Chelsea oo dareemayey inay kooxdu hadda isla jaan-qaadday oo ay fahmeen falsafadda tababare Mauricio Pochettino oo keenay kaalinta lixaad ee horyaalka Premier League, halka xilli-ciyaareedkii hore ay ku dhamaysteen kaalinta 11aad.
Sida ay warbaahinta waddanka Ingiriisku kusoo warramayso, Chelsea oo markii hore qorshaheedu ahaa inay tababare da’yar ah oo falsafad ciyaareed oo ku dhisan kubbad-hayn, weerar iyo is-difaac xidhiidhsan ku dheelo ayaa waxa ay hadda qorshaheeda kusoo darsatay Thomas Tuchel oo si lama filaan ah shaqada looga eryay isaga oo kooxda u qaaday Champions League.
Tababarihii hore ee Brighton ee Roberto De Zerbi iyo macallinka Ipswich Town ee Kieran McKenna iyo waliba tababaraha Girona ee Migel ayaa ku jira liiska, hase yeeshee telefishanka Sky Sports ayaa sheegay in Thomas Tuchel uu isaguna liiska soo galay, waxaana uu ogolaanayaa inuu mar kale hoggaanka u qabto Stamford Bridge.
Warka ayaa intaa ku daray, in Thomas Tuchel uu rumaysan yahay in ay Stamford Bridge ka taallo shaqo qabyo ah oo ay tahay inuu dhamaystirto, sidoo kalena uu kalsooni badan ka haysto taageereyaasha oo rumaysan in lagu qaldamay waqtigii shaqada laga eryayey.