Halyeyga reer Germany ee Michael Ballack ayaa u tilmaamay kooxda kubadda cagta Real Madrid xiddiga ay tahay inay la saxeexdaan ee u noqonaya beddelka Toni Kroos oo shalay ku dhawaaqay inuu ka fadhiistay ciyaaraha kubadda cagta, inkasta oo wali ay xirfaddiisu heerkii ugu sarreeyey marayso.
Michael Ballack ayaa waxa uu sheegay in xiddiga ugu habboon ee noqon karaya beddelka Toni Kroos uu yahay khadka dhexe ee reer Germany ee Michael Ballack oo u dheela Bayer Leverkusen, kaas oo sidoo kalena dhaliya goolal badan.
Michael Ballack oo waraysi siiyey wargeyska BILD ee kasoo baxa waddanka Germany, ayaa yidhi: “Marka laga eego dhinaca kubadda cagta, Wirtz waa hubaal inuu u ciyaari karayo Real Madrid. Sidoo kale, waxa aad arki karaysaan Jude Bellingham markii uu ka tegay BVB ee uu tegay Madrid: Marka aad daawato, waxa aad arkaysaa in ciyaartoydu ay xataa kasii fiicnaanayaan sidii hore, isaguna (Wirtz) wuu kasii fiicnaan doonaa sidii hore.”
Wirtz ayaa waxa uu qayb ka ahaa xiddigaha Bayer Leverkusen u sameeyey taariikhda iyo rikoodhada aan hore loo arag ee iyadoo aan hal mar laga adkaanin ay ku guuleysatay horyaalka Bundesliga, sidoo kalena ay caawa dheelayaan finalka Europa League.
Waxa uuu dhaliyey 18 gool iyo 19 kale oo uu caawiyey, balse qandaraaskiisa Bayer Leverkusen ayaa soconaya illaa sannadka 2027, waanay adag tahay inay si fudud ku fasaxdo Leverkusen.