Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa qaadatay go’aan adag oo ku saabsan mustaqbalka tababare Xavi Hernandez oo xalay sheegay inuu ka tegi doono Camp Nou dhamaadka xilli-ciyaareedkan, waxaana hadda soo baxaya warar kale oo muujinaya in aan waqtigaa lala sugi doonin.
Barcelona ayaa la sheegay in ay go’aansatay in laba usbuuc oo kaliya uu kooxda sii joogo Xavi Hernandez kaddib go’aankiisii xalay, waxaana loo qabtay inuu sii layliyo naadiga illaa ciyaarta lugta hore ee wareegga 16ka Champions League ee Napoli.
Telefishanka El Chiringuito ayaa shaaciyey, in Barcelona ay go’aansatay in ay Xavi erido kaddib ciyaarta lugta hore ee wareegga 16ka Champions League ee Napoli haddii uu guul keeni waayo, waxaana lagu beddeli doonaa Rafa Marquez oo hadda ah tababaraha kooxda da’yarta Barcelona, horena difaaca ugaga ciyaari jiray ama Jonathan Giraldez.
Warka ayaa intaa ku daray, in Xavi Hernandez ay isku dhacsan yihiin agaasimaha ciyaaraha Barcelona ee Deco oo ku qasbay in xalay uu shaaciyo inuu is-casilayo si naadigu usii raadsado beddelkiisa.
Deco ayaa ugu hanjabay Xavi inuu eryi doono haddii aanu isagu iscasilaadda ku dhawaaqin, sida ay warbaahinta Spain ku warramayso, waxaana hadda la sugi doonaa natiijada ciyaarta Napoli iyo Barcelona ee lugta hore ee wareegga 16ka Champions League ee 16ka February ka dhici doonta garoonka Diego Maradona Stadium ee waddanka Talyaaniga.