Weeraryahanka Manchester United ee Marcus Rashford ayaa fadeexad dhax-fadhiya, waxaana habeenkii Khamiistii lagu sawiray hotel ku yaalla magaalada Belfast oo ah nooca lagu tunto, halkaas oo uu habeenkii oo dhan ku sugnaa, halka subaxnimadiina uu kooxdiisa ku wargeliyey inuu xanuunsanayo oo aanu tababarka iman karaynin.
26 jirkan ayaa la sheegay in uu laba habeen oo isku-xiga ku sugnaa hotelka lagu magacaabo Thompsons Garage oo ah nooca lagu tunto, waxaana uu labadii maalmoodba ka maqnaaday tababarka kooxdiisa.
Khamiistii ayaa la arkay laacibkan oo kasii baxaya hotelkan ka hor intii aanu diyaarad khaas ah subaxnimadii dib ugu soo duulin magaalada Manchester, kaddibna aanu kooxdiisa u sheegin inuu xanuunsanayo.
Wargeyska The Athletic ayaa sheegay in laacibkani laba habeen oo isku xiga ku qaatay hotelkan fusuqa badan ka dhaco.
Tababare Erik ten Hag oo saxaafadda la hadlay ayaa isaguna sheegay in Marcus Rashford uu awoodi waayey in uu tababarka yimaaddo maalintii Jimcaha ee ay kooxdiisu isku diyaarinaysay ciyaarta FA Cup ee Newport, sababtana waxa uu ku sheegay in laacibkani uu kusoo wargeliyey inuu xanuunsanayo.
“Saaka (Jimcihii), Rashford iyo Jonny Evans way xanuunsanayeen markaa waynu arki doonaa marka ay taam noqdaan.” Ayuu yidhi Erik ten Hag.
Manchester United wali kama aanay hadal fadeexadda Marcus Rashford, hase yeeshee waxa la fahamsan yahay in laacibkani uu tamashle ku maqnaa markii ciyaartoyda kooxdiisa la siiyey fasax kaddib kulankii Tottenham ee horyaalka Premier League ee ay barbarraha 2-2 la galeen Tottenham 14kii January.
Halkan ka daawo muuqaalka Rashford oo sii gelaya hotelka xilli-habeennimo ah
Rashford out in thompsons last night in Belfast clearly not helping himself with regards to performance pic.twitter.com/1THyoqT3YL
— Ryan👹 (@RE1878) January 26, 2024