Xiddiga reer Brazil ee Antony ayaa ka hadlay fal uu sameeyey ciyaartii ay Manchester United rikoodheyaasha kaga badisay Coventry City ee semi-finalka FA Cup, taas oo uu u dabbaal-degay markii ay kooxdiisu soo baxday.
Laacibkan ayaa degta qabsaday markii uu Rasmus Hojlund dhaliyey rikoodhihii ugu dambeeyey ee guusha ku hoggaamiyey kooxdiisa, waxaana arrintan ku canaantay taageereyaasha iyo halyeeyadii hore ee Premier League.
Qoraal uu sidoo kale soo dhigay bartiisa bulshada ciyaarta kaddib ayuu ka tirtiray baraha bulshada, isaga oo canaan badan u jeedinayey jamaahiirta kooxdiisa oo uu ku tilmaamay in aanay garab istaagin kooxdooda.
Antony oo falkan uu sameeyey ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in uu doonayey in taageereyaasha kooxdiisu ay garab istaagaan naadigooda, waxaanu yidhi: “Coventry waxay caddaysay sababta ay usoo gaadhay semi-finalka. Waxa aanu taageero ka raadinaynay taageereyaashayada mar haddii aanu soo gaadhnay finalka.