Liverpool ayaa shanta ciyaarood ee soo socda waxa ku xidhan mustaqbalkeeda xilli-ciyaareedkan, waxaanay doonaysaa in uu hurdada ka tooso xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah, si uu u helo sagootin fiican.
Mohamed Salah oo uu hoos u dhac ku yimid intii uu curtay sannadkan cusub oo ay isku raaceen dhaawacyo kasoo gaadhay tartankii qaramada Afrika ee bishii January, sidoo kalena jugo soo gaadhay marar kala duwan kaga maqnaa kooxdiisa ayaa la sheegay in ay Liverpool ka fiirsanayso inay u ogolaato in uu iska tago iyadoo laga iibinayo kooxaha Sucuudiga ee lacagta badan dul-haya.
31 jirkan oo qandaraaskiisa uu sannad kali ahi ka hadhay ayaa tartankii qaramada Afrika u baxay bishii January isaga oo 20 ciyaarood oo Premier League ah dheelay isla markaana dhaliyey 14 gool iyo siddeed uu caawiye ka noqday, laakiin intii waqtigaas ka dambaysay waxa uu ciyaaray toddoba kulan oo horyaalka ah oo kaliya waxaana uu dhaliyey saddex gool iyo hal caawin.
Sida uu qoray wargeyska The Sun, Liverpool ayaa ka walaacsan hoos u dhaca ku yimid qaab-ciyaareedka Mohamed Salah iyo taam ahaanshihiisa oo liita, waxaana ay diyaar u yihiin inay ka iibiyaan kooxaha Sucuudiga oo lacago badan usoo bandhigay Reds bishii January iyo suuqii xagaagii ee ka horreeyey.