Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Arsenal ee Declan Rice ayaa magacaabay ciyaartoy lama filaan ah oo ka yaabiyey tan iyo marii uu ku biiray Gunners xagaagii oo £105 milyan oo Gini kaga soo iibsatay West Ham.
Declan Rice oo isbeddel badan ku sameeyey khadka dhexe ee Arsenal oo uu ka dhigay mid ka mid ah kuwa ugu wanaagsan ayaa waxa ay hadda kaalinta saddexaad kaga jiraan horyaalka Premier League iyagoo laba dhibcood oo kaliya ka dambeeya Liverpool oo hoggaanka haysa.
Gunners oo ay difaaca uga wada ciyaaraan William Saliba iyo Gabriel Magalhaes, ayaa uu Declan Rice u noqday rukun adag oo khatarta ka ilaalisa, waxaana mid ka mid ah bandhigyadiisii ugu fiicnaa uu sameeyey ciyaartii Newcastle United ay 4-1 ku karbaasheen.
Telefishanka TNT Sports oo uu waraysi siiyey kaddib ciyaartii Newcastle, ayaa waxa Rice la weydiiyey ciyaartoyda difaaca uga dheesha kooxdiisa Arsenal, waxaanu ku jawaabay: “Inta badan aad ulama hadlo iyaga, beenna idiinma sheegayo.
“William Saliba waa ciyaartoy aan la malayn karin, laakiin ciyaartoyga aan hore uga hadlay intii aanan iman halkan ka hor ee aniga iga yaabiyey waa Gabriel.
“Marka aad haysato laba difaac oo sidaas oo kale ah oo doonaya inay mar walba guuleystaan, ku ciyaaraya qaab xag-xagasho ah si dhab ah ayay kuu caawinayaan, waxaanay ku siinayaan kalsooni.”