Moises Caicedo ayaa ka badbaaday kaadh casaan ah inkasta oo VAR laga soo hubiyey, kaddib qalad xun oo uu ku galay khadka dhexe ee Liverpool ee Ryan Gravenberch oo uu gaadhsiiyey dhaawac halis ah oo sababay in garoonka laga dhax-qaado.
Ryan Gravenbech ayaa dhulka ku dhacay oo ay dhakhaatiirtu muddo la tacaalayeen xaaladdiisa ka hor intii aanay ku qaadin naxash ay afar qof dhinacyada hayaan, waxaana uu ku biiray liiska xiddigaha tirada badan ee Liverpool sariir-yaalka ka ah.
Garsoore Chris Kavanagh oo ciyaarta dhax-dhaxaadinayey ayaan wax qalad ah u qabannin Liverpool, iyadoo Moises Caicedo uu ka badbaaday in lagu ciqaabo qaladkaas. VAR ayaa soo hubisay si kaadh casaan ah loo siiyo Caicedo, laakiin waxa uu garsooraha VAR ku taliyey in kaadh digniin ah uu ku filan yahay oo aanu casaan u qalmaynin.
VAR ayaa waxa ay ku doodday in qaladka lagu galay Ryan Gravenberch aanu u muuqanin mid halis ah oo uu ku talo-galay Caicedo, sidaas daraadeedna uu garsooraha dhexe marka horeba qaatay go’aan inuu kaadh digniin ah siiyo, sidaasna ay ku daayaan.
Garsoorihii hore ee horyaalka Premier League ee Mike Dean oo ka hadlayay telefishanka Sky Sports ayaa ku dooday in Caicedo uu lugta kaga istaagay Gravenberch, laakiin uu la mid ahaa midkii uu Harry Maguire ku galay Sabtdiii Sasa Lukic, go’aanka uu garsooruhu qaatayna aanay ahayn in lagaga daba tago.