Goolhayaha shaqo la’aanta ah ee David de Gea ayaa go’aan weyn ka gaadhay mustaqbalkiisa inkasta oo uu xilli ciyaareedkan oo dhan ka maqnaa garoomada oo uu koox la’aan ahaa tan iyo markii ay fasaxday Manchester United xagaagii.
David de Gea ayaa dalabyo ka helay kooxo kala duwan oo ay ku jiraan Premier League iyo Sucuudi Carabiya markii uu ka tegay Manchester United, laakiin illaa hadda kooxna ma aanu tegin.
33 jirkan ayaa la sheegay in hadda uu doonayo fursad uu kaga ciyaaro horyaalka waddanka Spain ee LaLiga oo uu xagaaga tegi doono, halkaas oo uu doonayo inuu ku xaqiijiyo riyo carruunimadiisii ahayd.
Sida uu qoray wargeyska The Sun, David de Gea ayaa waxa uu doonayaa inuu ku biiro kooxda reer Spain ee Real Madrid ee uu xafiiltanka badan ka dhexeeyo naadigiisii hore ee Atletico Madrid, taas oo uu u noqon doono goolhayaha labaad ee kaydka u fadhiya Thibaut Courtois, halka Andriy Lunin uu bixitaan isku diyaarinayo iyadoo qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedka.
David de Gea oo muddo 11 sannadood ah oo uu u ciyaarayay Manchester United u saftay 545 kulan, ayaa kula guuleystay Premier League, FA Cup, Europa League iyo laba jeer oo Carabao Cup ah.
Waxa lagu xasuustaa dhacdadii yaabka lahayd ee sannadkii 2015 oo iyadoo laga sugayo Real Madrid oo heshiis la gaadhay ay Manchester United kala habsaantay in waraaqaha heshiiska ay u gudbiso xidhiidhka kubadda cagta Spain iyo England, isla markaana iyadoo aan la diiwaangelinin uu suuqu xidhmay.
Asc wll waxaan dhalinyarad followers kugu xidhan waxaan rabaa inaan suaal ku waydiiyo xageen Kala soo xidhiidha am whatupkaaga isoo dir adoo raaliya mahadsanid