Halyeyga reer England ee Jamie Carragher ayaa magacaabay laba ciyaartoy oo Chelsea ah oo mustaqbalkoodu uu ku dhintay ciyaartii ay Sabtidii barbarraha 1-1 ah la galeen Manchester City oo ay marti ugu ahaayeen Etihad Stadium, halkaas oo qaybtii hore ay Blues ka samaysay bandhig fiican, isla markaana ay difaac adag samaysay qaybtii labaad.
Mauricio Pochettino ayaa ciyaartaas kusoo bilaabay Axel Disasi iyo Levi Colwill oo difaaca dhexe ka wada ciyaarayey, halka uu gebi ahaanba garoonka ka maqnaa Thiago Silva oo dhaawac kaga baxay ciyaartii Isniintii ee Crystal Palace, balse la filayo inuu taam u noqdo finalka Carabao Cup ee Liverpool.
Ciyaartan oo labada gool ay labada kooxood u kala dhaliyeen Raheem Sterling iyo Rodri, ayaa waxa xiddiga garoonka la siiyey Disasi oo ahaa ciyaartoyga bandhigga ugu fiican sameeyey, kaas oo ay falanqeeyeyaasha ciyaaruhu isku raaceen inuu ahaa laacibka dhibcida u badbaadiyey Chelsea.
Jamie Carragher oo ciyaarta kaddib hadlay ayaa sheegay, in Disasi uu xoraystay booskiisa, isla markaana Colwill ay tahay in aan la taabannin oo uu si joogto ah ugu ciyaaro kooxda, taas beddelkeedana ay Blues iska fasaxdo Thiago Silva oo sannadkii 2020 si xor ah ugaga woo wareegay PSG, isla markaana sannadkii hore ku guuleystay abaal-marinta ciyaartoygii ugu fiicnaa Chelsea.
Carragher oo hadlayay ayaa yidhi: “Waxay ila tahay, in ciyaartii City kaddib, ay Diasi iyo Colwill wada-jir u ciyaari doonaan, waxaana adkaan doonta in Thiago Silva uu fursad helo illaa inta uu ciyaartoy kale ka dhaawacmayo.”
Chelsea ayaa waxa kale oo ay haysataa difaacyo kale oo da’yar ah oo dhaawacyo kaga maqan, sida Wesley Fofana, Benoit Badiashile iyo Chalobah.