Muranka Mohamed Salah ee u dhexeeya Liverpool iyo Masar ayaa lagu soo waramayaa inuu yeeshay waji cusub.
Dabayaaqadii Janaayo, Salah ayaa dhaawac muruqa ah ka soo gaaray kulankii Masar ay la ciyaareen Ghana ee koobka Qaramada Afrika.
31-sano jirkaan waxa uu seegay ku dhawaad hal bil oo uu garoomada ka maqnaa oo ay ku jirto finalkii Carabao Cup ee Liverpool ay ka badisay Chelsea, waxaana uu soo laabtay kulankii Brentford ee bishii hore.
Si kastaba ha ahaatee, Salah ayaan u safan Reds tan iyo markii uu ka soo baxay garoonka Gtech Community Stadium, sababa la xiriira dhaawacii oo soo laabtay.
Dhamaadkii isbuuca Liverpool ayaa laga soo diiday codsi ay u dirtay xiriirka kubada cagta Masar oo la xiriirtay in Mohamed Salah laga saaro xulka Masar ee kulamada saaxiibtinimo ku ciyaaraya Imaaraatka Carabta bishaan.
Sida ay soo warinayso Daily Mail, sheekadu waxay haatan yeelatay waji kale.
Sida laga soo xigtay Ehab El Komy oo ka tirsan xidhiidhka kubbada cagta Masar, xulka Masar ayaanay u suurtogelin inay xidhiidh la sameeyaan Mohamed Salah.
Waxa uu yiri: “Xulka qaranka Masar oo ay hogaaminayaan Hossam Hassan iyo Ibrahim Hassan ilaa hadda ma aysan la xiriirin Mohamed Salah.
“Weli ma jiro wax kulan ah oo dhexmaray shaqaalaha farsamada ee Masar iyo Mohamed Salah.”
Waxaa jiray warar sheegaya in Salah uu qarka u saaran yahay inuu ku soo laabto tababarka buuxa ee kooxda isbuucaan, iyadoo la filayo inuu ku lug yeesho kulanka Liverpool ee Europa League ee ay la ciyaarayaan Sparta Prague ka hor kulanka weyn ee Premier League ee isbuucaan ay la ciyaarayaan Manchester City.