Da’yarka Arsenal Ethan Nwaneri ayaa lagu soo waramayaa inuu qarka u saaran yahay inuu saxiixo heshiis rikoor ah ka dib markii uu diiday dalab kaga yimid Manchester City.
Dabayaaqadii Sebtembar 2022, Nwaneri wuxuu sameeyay taariikh isagoo noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ebid Premier League ka dib markii uu u ciyaaray Arsenal isagoo jira 15 sano iyo 181 maalmood.
Nwaneri ayaa bedelay Fabio Vieira waqtigii dhimashadaciyaartii ay Arsenal 3-0 kaga badisay Brentford garoonka Gtech Community Stadium.
Hadda isagoo 16 jir ah, waxaa la sheegay inuu qarka u saaran yahay inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo Arsenal.
Sida laga soo xigtay Football Insider, da’yarka ayaa qandaraas xirfadle ah u saxiixi doona Gunners marka uu 17 jirsado dabayaaqada bishaan.
Nwaneri ayaa lagu soo waramayaa in la siiyay mushaarkii ugu badnaa abid ee ciyaaryahan ka tirsan akadeemiyada Arsenal kaas oo ah heshiis rikoor ah.
Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in City ay sameysay dalab wax ku ool ah si ay Nwaneri uga soo kaxeyso Waqooyiga London laakiin waa ay ku guuldareysteen.
Nwaneri, oo dhashay 2007-dii, ayaa durbaba u saftay dhowr kulan kooxda Arsenal ee U-18 markii uu ahaa 14 jir.
Waxa uu sidoo kale u soo ciyaaray England heerka U-16.