Halyeyga reer England ee Ian Wright ayaa saadaaliyey in kooxdiisii hore ee Arsenal ay garaaci doonto Manchester United oo Axadda May 12 ay ku ballansan yihiin Old Trafford, taas oo Arsenal laga doonayo inay guuleysato si ay usii xajisato hoggaanka horyaalka oo ay hal dhibic kaga hayso Man City oo ciyaar dheeraad ah ay baaqi u tahay.
Ian Wright ayaa waxa uu sheegay in Arsenal ay awood u leedahay inay kasoo adkaato Man United oo garoonkeeda joogta sababtoo ah niyadda ay hayaan ciyaartoyda Gunners iyo qalbi-jabka ay ku jiraan ciyaartoyda Manchester United oo toddobaadkan ay Crystal Palace ku xasuuqday 4-0.
Wright oo la weydiiyey saadaashiisa ciyaartaas ayaa yidi: “Waxa aan jecelahay in aan maleeyo sida aanu u ciyaarayno, waxa aanu nahay koox difaac, khad dhexe iyo weerarba isku xidhan… Haa, waxa aan jecelahay in aanu guuleysan doono ciyaartan, sababtoo ah waa qasab in aanu guuleysano.
“Laakiin sidoo kale, daawashadeedu ma wanaagsanaanayso sababtoo ah Man United ayaa burbursan. Si degdeg ah ayay hoos ugu dhacaysaa, mana xiisaynaysid ciyaartooda. Way iska caddahay in aan doonayo in kooxdaydu ay si fiican u ciyaarto oo ay guuleysato, laakiin haddana daawashadoodu ma noqonayso mid aan xiisaynayso sababtoo ah waxa dhici karta bahdilaad ay u geystaan United.”
Arsenal oo ciyaartay 36 ciyaarood ayaa waxa ay horyaalka Premier League ku hoggaaminaysaa 83 dhibcood, halka Manchester City oo dheeshay 35 ciyaarood ay iyaduna leedahay 82 dhibcood.