Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa la shaaciyey waqtiga uu macasalaamaynayo kooxdiisa Paris Saint-Germain oo uu ka tegayo marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan ay dhawrka kulan ka hadhsan yihiin, isaga oo kusii jeeda Real Madrid oo la rumaysan yahay inuu waqti horeba heshiis la gaadhay.
Kylian Mbappe ayaa hore loo sheegay in uu shaacinta mustaqbalkiisa dib ugu dhigay tartanka Champions League ee ay kooxdiisu Salaasadii ka hadhay, waxaana la filayaa in usbuuca soo socda lasoo afjaro hadal-hayntii ugu weynayd ee kubadda cagta ee dhawrkii sannadood ee ugu dambeeyey.
Wargeyska L’Equipe ee kasoo baxa waddanka Faransiiska ayaa waxa uu sheegay, in garoonka Parc des Princes loogu samayn doono macasalaamayn maalinta Axadda ee foodda innagu soo haysa, halkaas oo ay kula ciyaarayaan Toulouse.
Ciyaartan ayaa ah kulanka ugu dambeeya ee ay PSG ku dheeli doonto garoonkeeda, waxaana loosoo cammiri doonaa iyadoo lagu xardhayo magaca Kylian Mbappe oo sida muuqata ay maamulka iyo taageereyaashu doonayaan in ay meesha ka saaraan colaaddii ay hore ugu qaadeen markii uu go’aansaday inuu ka tago kooxda laba sannadood ka hor, balse cadaadiska badan lagu saaray inuu sii joogo.
Mbappe oo sannadkii 2017 ay PSG kala soo wareegtay AS Monaco ayaa marka ay ciyaartu dhamaato kusoo hadhi doona garoonka oo salaami doona taageereyaasha oo iyaguna sagootin doona, inkasta oo wali ay dhawr kulan usii hadhsanaanayaan kooxdiisa, kyuwaas oo ay ugu muhiimsan tahay finalka Frech Cup ee ay la ciyaari doonaan Lyon.
Dhinaca kale, Real Madrid ayaa la sheegay inay diyaarinayso xafladda shaacinta saxeexa Kylian Mbappe oo noqon doonta ka hor inta aanu bilaabmin tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 oo ka furmi doona waddanka Germany badhtamaha bisha June.