Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Roanldo ayaa magacaabay saddex kooxood oo uu sheegay inay fursad fiican u haystaan inay ku guuleystaan tartanka Champions League ee xilli-ciyaareedkan, waxaana uu si weyn farta ugu fiiqay kooxda tababare Pep Guardiola ee Manchester City.
38 jirkan oo shan jeer ku guuleystay tartanka Champions League, kuwaas oo afar ka mid ah uu joogay Real Madrid iyo hal uu Manchester United la qaaday, ayaa waxa uu ka hadlayay xafladda abaal-marinta Globe Soccer Awards ee lagu qabtay Dubai.
Ronaldo oo naftiisa amaan ku bilaabay markii uu ka hadlayay waraysiga, ayaa waxa uu isbarbar-dhigay Erling Haaland oo uu sheegay inuu isagu ka wanaagsan yahay marka la eego tirada goolasha uu dhaliyey xilli-ciyaareedkan, laakiin waxa uu qiray inuu Haaland yahay dhaliye cajiib ah.
Laacibkan oo la weydiiyey kooxaha ay la tahay in sannadkan ay ku guuleysanayaan tartanka Champions League ayaa waxa uu sheegay, in Manchester City ay fursad fiican u haysato, laakiin sidoo kale ay tartamayaan Real Madrid iyo Bayern Munich oo ay iyaguna ku guuleysan karayaan.
Ronaldo oo ka jawaabayay su’aashan ayaa yidhi: “Waxay ila tahay in Manchester City ay fursad aad u weyn u haysato ku guuleysiga Dhampions Leaguer ee xilli-ciyaareedkan, waxaanse rajaynayaa in aanay ku guuleysanin [sababtoo ah waxa uu usoo ciyaaray Man United iyo Real Madrid].
“Waxa kale oo fursad u haysta Bayern Munich iyo Real Madrid oo ah kooxaha ugu cadcad.”