Waa 32 jir ku fashilmay Aston Villa oo ku qasbanaaday inuu ka fadhiisto kubadda cagta isaga oo 30 jir ah, laakiin hadda waxa uu noqday maalqabeen ay hantidiisu gaadhayso hal bilyan oo dollarka Maraykanka.
Magaciisa oo dhamaystiran waa Jose Ignacio Peleteiro Ramallo, laakiin waxay dadku u yaqaaneen Jota isaga oo usoo ciyaaray kooxo ay ka mid yihiin Brentford, Birmingham City iyo Aston Villa.
Laacibkan hore ee reer Spain, waxa waqtigiisii Aston Villa lagu tiriyaa xiddigihii ku fashilmay Villa Park, isaga oo 16 kulan oo dhamaan tartamada ahaa oo uu u saftay u dhaliyey hal gool oo kaliya.
Sannadkii 2022 ayuu go’aansaday inuu kabaha tiiriyo oo uu ka fadhiisto kubadda cagta, isla markaana xirfaddiisa kale ee ganacsiga adeegsado, isaga oo ka faa’iidaysanaya dhaqaalaha uu ka sameeyey kubadda cagta.
Sida ay wararku sheegayaan, shirkadda Jota ayaa waxa ay iskaashi leeyihiin dawladda Spain, waxaana sannadka 2025 ay filayaan inay shirkadda laacibkani heli doonto £600 milyan oo Gini.
Shirkadda Groinn waxa ay gacanta ku haysaa ganacsiyo badan, waxaanay fulisay mashaariico ka badan £3 bilyan oo Gini saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey.
Jota oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay, in dhowaan ay filayaan in faa’iidadooda shirkaddiisu gaadho £1 bilyan oo Gini, isla markaana ay hadda la mid yihiin sida iPhone oo kale.