Tababaraha Chelsea Mauricio Pochettino ayaa sheegay inuu fariin qoraaleed wanaagsan ka helay milkiilayaasha kooxda xilli cadaadis badan uu saaran yahay ka dib labo guuldarro oo isku xigta.
Blues ayaa u dhacday kaalinta 11aad ee Premier League Axadii ka dib guuldaradii 4-2 ee ka soo gaartay Wolves oo marti ku aheyd Stamford Bridge.
Chelsea ayaa qarashgareysay in ka badan hal bilyan ginni tan iyo markii uu milkiile Todd Boehly uu kooxda la wareegay bishii May 2022kii, waxayna badiyeen xilli ciyaareedkan kaliya sagaal kulan oo Premier League ah.
“Waan mideysanahay waana kuwada jirnaa xaaladaan, taas ayaa muhiim ah” ayuu Pochettino sheegay inay aheyd fariintii uu ka helay milkiile Todd Boehly ka dib kulankii Wolves.
“Fariin qoraaleed aad u fiican ayaan ka helay milkiilayaasha” ayuu hadalkiisa raaciyay. “Dabcan xiriir ayaan la leeyahay iyaga iyo agaasimaha isboortiga maalin walba.”
Cadaadiska ayaa ku kordhay tababaraha reer Argentina oo kooxdiisa ay guuldarro 4-1 ka soo gaartay Liverpool afar maalmood ka hor guuldaradii Wolves.
Waxay 15 dhibcood u jiraan kaalinta afaraad, halka ay shan dhibcood ka danbeeyaan kooxda reer London ee West Ham oo ku jirta kaalinta 7aad.
Inkastoo kooxda si culus loo maalgeliyay tan iyo markii uu Todd Boehly ka iibsaday Roman Abramoich, Chelsea waxay ku dhameysatay kaalinteedii ugu xumeyd waayaha Premier League xilli ciyaareedkii hore iyagoo galay kaalinta 12aad.