Xiddiga kooxda kubadda cagta Chelsea ee Cole Palmer ayaa shaaciyey ciyaartoyga uu kasoo minguuriyey naqshadda uu ugu dabbaal-dego goolasha ee ah inuu gacmaha isweydaariyo oo uu shafkiisa saaro marka uu goolasha dhaliyo.
22 jirkan oo ka mid noqday ciyaartoyda xulka qaranka England ee ka qayb-gelaya tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ee bisha June lagu qabanayo waddanka Germanay, ayaa waxa uu soo qaatay xilli-ciyaareedkiisii ugu fiicnaa kaddib markii ay Chelsea xagaagii hore kala soo wareegtay Manchester City.
Blues ayaa kasoo bixisay £40 milyan oo Gini, waxaana uu u dhaliyey 22 gool oo horyaalka Premier League ah isaga oo durba barbarreeyey rikoodhkii gool-dhalinta ee ugu fiicnaa ee Frank Lampard ee Chelsea.
Bishii December ayuu Cole Palmer dhaliyey laba gool ciyaar ay 3-2 kaga badiyeen Luton Town, waxaana uu laacibkan reer England oo laga filayey inuu ordo oouu dabbaal-deg weyn sameeyo uu kaliya u cararay dhinaca taageereyaasha isaga oo gacmaha is-dhaafsaday.
Warbaahinta ayaa ugu dambayntii weydiisay ciyaartoyga uu kaga daydo dabbaal-deggan, waxaanu ku jawaabay: “Morgan Rogers [waxa ay u wada ciyaari jireen da’yarta Man City] ayaa mar sameeyey isaga oo u ciyaaraya Middlesbrough markii uu dhaliyey gool ay kaga guuleysteen West Bromwich Albion. Aniguna waxa aan u sheegay in aan sidaas oo kale samayn doono haddii aan goolal dhaliyo.”