Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa heshiis la gaadhay tababaraha reer Germany ee Hansi Flick oo ku sugan magaalada London, halkaas oo maanta ay si fool-ka-fool ah isku horfadhiisteen Deco iyo Bojan oo xidhiidh joogto ah la samaynayey usbuucyadii u dambeeyey.
Faahfaahin dheeraad ah kama aanay soo bixin heshiiska Barcelona ay la gaadhay Hansi Flick, hase yeeshee wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa sheegay in kooxda reer Catalonia ay ka go’an tahay in Hansi Flick ay ku qanciso inuu hoggaanka u qabto kooxda oo maalmaha soo socda si rasmi ah loogu dhawaaqo heshiiskiisa.
Barcelona oo dhowaan shaacisay in uu sii joogi doono Xavi Hernandez, ayaa si lama filaan ah isku beddeshay xaaladda iyadoo Jaon Laporta uu ka cadhooday hadallo kasoo yeedhay Xavi.
Toddobaadka soo socda ayaa ay kulan yeelan doonaan Xavi iyo Joan Laporta, waxaana markaas kaddib lagu dhawaaqi doonaa in shaqada laga caydhiyey oo aanu dhamaysan doonin heshiiskiisa sannadku ka hadhsan yahay, sida uu qoray wargeyska Marca.
Hansi Flick oo ay da’diisu tahay 59 jir waa khabiir hore usoo layliyey Bayern Munich oo uu u qaaday Champions League iyo afar horyaal halka uu sidoo kale soo maamulay kooxda Koln.
Sannadkii 2019 ayuu ka tegay Bayern Munich oo uu tababare u noqday xulka qaranka Germany oo muddo kooban lagaga caydhiyey.