Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Liverpool iyo xulka qaranka Argentina ee Alexis Mac Allister ayaa ammaan kula dul-dhacay laacib ay ka wada ciyaaraan Anfield oo uu sheegay inuu kaga yaabiyo waxyaabo badan, inkasta oo ay waqti kooban wada joogeen Reds.
Alexis Mac Allister oo xagaagii ay Liverpool kasoo iibsatay Brighton & Hove Albion, ayaa noqday ciyaartoy aasaasi ah isaga oo khadka dhexe ay ku midoobeen Wataru Endo iyo Dominik Szoboszlai oo iyagana xagaagii ay soo iibsatay Reds.
Kubbad-sameeyahan ayaa rikoodhe dhaliyey ciyaartii Europa League ee Sparta Praga ee xalay, waxaana uu ammaan kula dul-dhacay saaxiibkiisa khadka dhexe ee Dominik Szoboszlai oo uu sheegay inuu waxyaabo badan kaga yaabiyey.
Szoboszlai oo beddel kusoo galay ciyaartan ayaa dhaliyey gool, isaga oo labadii ciyaarood ee ka horreeyeyna sidan oo kale beddel ugu soo galay kaddib dhaawac uu bilo u jiifay oo uu kasoo kabtay.