Garoonka koox caan ah oo Ingiriis ah ayaa uu qiiq qariyey, waxaana damintiisa ku mashquulsan ciidamada la dagaallanka dabka oo ku dedaalaya in aanu garoonku shuf beelin.
Warbaahinta waddanka Ingiriiska ayaa soo bandhigaysa muuqaallada garoonka St Mary’s ee kooxda Southampton oo ay daruuro qiiq ah iyo ceeryaamo qariyeen.
Dabkan oo qarxay saacado ka hor ciyaarta Southampton iyo Preston ee horyaalka heerka labaad ee caawa, ayaan la sheegin in meel kale lagu ciyaarayo in dib loo dhigayo midna, waxaana go’aan laga sugayaa maamulka EFL ee maamula tartanka Championship.
Garoonka St Mary’s kama aanu bilaabanin dabku, waxaase uu ka kacay meelo ku xeeran oo ganacsiyo ah oo hadda uu dabku marayo, waxaase jirta baqasho weyn oo ah inuu garoonka soo gaadho dabku.
Idaacadda BBC ayaa sheegtay in dabku uu hadda ka socdo oo ay gubanayaan bakhaarro iyo warshad garoonka agtiisa ah oo ku taalla jidka loo yaqaano Melbourne Street ee Koonfurt garoonka St Mary’s Stadium.