Kooxda kubadda cagta Manchester United waxa ay la kulmi doontaa £10 milyan oo Gini oo ganaax ah mar kasta oo ay ku guul-darraysato inay kasoo qayb-gasho tartanka Champions League, sida uu dhigayo heshiiska cusub ee ay la gashay shirkadaha xayaysiiska ay u samayso.
Red Devils ayaa soo bandhigtay warbixinteedii ugu dambaysay ee maaliyadda oo muujinaysa inay sameeyeen dakhli fiican inkasta oo ay gudaha garoomada niyad-jab weyn kaga jiraan.
Waxa kale oo ay warbixinta xisaabta sannadku muujinaysaa in Manchester United ay ku heshay dakhli badan inay kasoo qayb-gashay tartanka Champions League, laakiin waxa £6.9 milyan oo Gini hoos u dhacay lacagihii ay ka heli jireen shirkadaha ay xayaysiisyada u sameeyaan, taas oo ka dhigan inay lumiyeen 22 boqolkiiba dakhligii ay filayeen.
Laakiin waxa ay korriin 15.2 boqolkiiba ah ka sameeyeen iibinta dharka iyo qalabka kale ee ciyaareed ee ay ku sawiran yihiin calaamadda iyo magaca kooxdu, hase yeeshee faahfaahin cusub oo soo baxday ayaa waxa ay sheegtay in Manchester United ay la kulmi doonto ciqaab adag haddii ay ku guul-darraysato inay kasoo qayb-gasho tartanka Champions League xilli-ciyaareedka dambe.
Red Devils oo kaalinta lixaad kaga jirta horyaalka Premier League, waxa lagu samayn doonaa ganaax adag haddii ay laba sannadood oo isku xiga usoo gudbi waayaan tartanka Champions League, iyadoo heshiiskii hore ee ay kooxdu kula jirtay shirkadda Adidas uu dhacayo sannadka 2025.
Waxa ugu horreeya ee ay waayi doonaan waa £4.4 milyan oo Gini oo Premier League ama Women’s Super League, FA iyo tartamada kale ay siin jireen kooxda marka ay kasoo qayb-gasho.
Dakhliga kooxda ee dhinaca xayaysiiska ayaa hoos u dhici doona 30 boqolkiiba oo u dhigmi doonta £22 milyan oo Gini.
Marka la isku-geeyo lacagaha ay Manchester United waayi doonto haddii ay usoo bixi weydo Champions League, waxa ay gaadhi doontaa £100 milyan oo Gini oo shirkadaha xayaysiiska uga iman lahaa, taas oo sidoo kalena ay u dheeraanayso lacagihii ay ka heli lahaayeen xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA haddii ay usoo gudbaan tartankan.