Xiddiga reer Brazil ee Bruno Guimaraes ayaa dagaal ka dhax holciyey kooxaha horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo ay kuwooda ugu awoodda badan leh iskugu badheedhi doonaan dagaal ay u gelayaan sidii ay mid walba dhinaceeda ula saxeexan lahayd.
Khadka dhexe ee Brazil ee Guimaraes oo ay da’diisu tahay 26 jir, ayaa waxa uu heshiis cusub u saxeexay Newcastle United bishii January 2022, laakiin waxa heshiiskaas uu ku daray qodob fursad u siinaya inuu iskaga tago kooxdaas marka uu helo dalab macquul ah.
Guimaraes oo 96 ciyaarood oo uu u saftay Newcastle u dhaliyey 13 gool, 13 kalena caawiye uga noqday, ayaa waxa uu bartilmaameed u yahay Manchester City oo sidoo kalena doonaysa Joshua Kimmich oo Bayern Munich ah iyo Douglas Luiz oo u dheela Aston Villa.
Sida uu qoray wargeyska AS ee kasoo baxa waddanka Brazil, qandaraaska Bruno Guimaraes ee Newcastle United ayaa lagu burburin karayaa lacag dhan £100 milyan oo Euro, waxaana loo badinayaa in xagaaga soo socda ay kooxaha waaweyn u huri doonaan alcagtaas.
Tababare Pep Guardiola oo shalay saxaafadda la hadlay ayaa dabka kusii shiday hadal-haynta laacibkan, isaga oo yidhi: “Waa kubbad-burburiye aan caadi ahay; waa weerar-geeye, kubadda ayuu dejiyaa, waxa uu sidoo kale ku fiican yahay kubbadaha laadka xorta ah.”
Laacibkan oo 18 ciyaarood u saftay xulka qaranka Brazil, ayaa waxa sidoo kale doonaysa Liverpool oo si aad ah ugu baahan kubbad-burburiye dabiici ah, inkasta oo uu joogo Wataru Endo oo ay xagaagii kasoo iibsadeen Stuttgart. Waxa kale oo doonaya Chelsea, Manchester United iyo PSG.