Chelsea ayaa go’aansatay inay iska iibiso Armando Broja xagaagan marka uu ka soo laabtay amaahda fashilantay ee uu ku joogo Fulham.
Raheem Sterling ayaa ku tilmaamay Broja “The Truth” (Runta) ka dib markii uu ku arkay tababarka markiisii ugu horeysay, laakiin weeraryahanka ayaa ku guuldareystay inuu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo taasoo soo gabagabeyneysa waqtigiisa Galbeedka London.
Broja ayaa amaah ugu biiray Fulham bishii Janaayo ka dib markii uu ku guuldareystay inuu shaxda Chelsea kala baxo Nicolas Jackson. Xiddiga ka soo baxay akadeemiga Blues ayaa la filayay inuu boos joogta ah ka helo Fulham kuwaasoo baadigoobayay gooldhaliye lagu tashan karo.
Rodrigo Muniz oo wacdarro ka dhigaya Fulham islamarkaana dhaliyay sagaal gool 14kii kulan ee ugu danbeysay ayaa xaalada ku sii xumeeyay Broja, iyadoo tababare Marco Silva uu xiddiga Chelsea ciyaarsiiyay kaliya 60 daqiiqo horyaalka Premier League.
Sida uu sheegay khabiirka suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano, Chelsea iyo Broja ayaa kala rasmi ah u kala tagaya ka dib marka uu ka soo laabto Fulham.
Kooxo ka dhisan Ingariiska iyo Yurub inteeda kale ayaa loo maleynayaan inay xiiseynayaan 22 jirkaan.