Mikel Arteta ayaa seegi kara kulanka ugu danbeeya xilli ciyaareedka Premier League ee Arsenal iyo Everton taasoo dhabjab weyn ku noqon karta hamigooda horyaalka.
Arsenal ayaa kula tartameysa Manchester City hanashada Premier League iyadoo tartanka uu soo gaaray heer gabagabo ah.
Gunners ayaa hal dhibic ku hogaamineysa City laakiin kooxda Pep Guardiola waxaa u harsan hal kulan.
Mikel Arteta ayaa seegi kara kulankooda ugu danbeeya xilli ciyaareedka Premier League laakiin waxay ku xiran tahay waxa dhaca kulanka Manchester United.
Tababaraha reer Spain ayaa durba uruursaday shan jaale, haddii uu qaato kaadh kale oo digniin ah, waxaa lagu qasbi doonaa inuu hal kulan ganaax ku seego.
Arteta ayaa ganaax ku seegay hal kulan kulankii ay guuldarrada 1-0 ka soo gaartay Aston Villa bishii December.
Tababarayaasha Premier League waxaa lagu ciqaabaa hal kulan oo ganaax ah seddex jaale kasta oo ay qaateen.
Madaama Arteta uu shan qaatay xilli ciyaareedkan islamarkaana uu durba hal kulan ganaax ku soo seegay, hadii uu qaato jaale lixaad waxay la micno tahay inuu seegayo kulanka Everton ee lagu soo xirayo xilli ciyaareedka.
Arteta ayaa heysta rikoodhka tabaaraha ugu dishibiliinka xun xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League madaama uu qaatay shan jaale.
Waxaa jaale la siiyay kulamadii uu ka horyimid Fulham, Brighton iyo Luton iyo labadii kulan ee Chelsea.