Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa waqti dambe ka takhalustay Nottingham Forest oo ay marti u ahaayeen oo ay kasoo gaadheen guul 3-2 ah, taas oo keentay in Nottingham Forest uu wali shaki kaga jiro inay ku negaanayaan horyaalka Premier League iyo in kale, halka Chelsea ay kaalinta lixaad ku qabsatay Newcastle United oo hadda farqiga goolasha kaga haysa.
Chelsea ayaa siddeed daqiiqadood oo kaliya markii ay ciyaartu socotay waxa gool u dhaliyey Madueke oo dhamaystiray kubbad uu ka helay Cole Palmer oo sii wata rikoodhadiisa ah inuu dhaliyo ama caawiyo.
Nottingham Forest oo ka ordaysa inay u dhacdo heerka labaad ayaa waxa ay samaysay dedaal badan oo ay qaybtii hore iska soo badeen goolka lagala hormaray, waxaanay ogaayeen in haddii ay barbarro ka helaan Chelsea ay sidaas kaga badbaadayaan heerka labaad oo ay kusii negaan doonaan horyaalka Premier League.
Daqiiqaddii 16aad ayuu Willy Boly keenay goolka barbarraha oo uu garoonku isla oogsaday isla markaana ciyaartoyda iyo taageereyaasha Nottingham Forest si weyn ugu dabbaal-dageen.
Chelsea oo ahayd kooxda fursadaha badan ayaan ka faa’iidaysanin dersin fursado ah oo ay qaybta hore heleen, halka Nottingham Forest ay iyaguna samaynayeen dedaallo aan shabaqa ku dhamaannin.
Daqiiqaddii 74aad ayaa uu mar kale garoonku isla oogsaday oo ay Nottingham ciyaartoydeeda iyo taageereyaasheeduba farxad is-xakamayn kari waayeen, markaas oo uu gool labaad u dhaliyey Hodson-Odoi oo ciyaarta ka dhigay 2-1.
Intaas wixii ka dambeeyey Chelsea ayaa ay ciyaartu gacanta u gashay, halka Nottingham Forest ay isku dayeen inay difaac galaan si ugu yaraan ay barbarro ugu dhameeyaan ciyaarta.
Raheem Sterling oo kasoo noqday dhaawac iyo Nicolas Jackson ayaa Chelsea usoo celiyey hoggaankii ay waqtiga hore lumisay waxaanay dhaliyeen laba gool oo tobankii daqiiqadood ee ugu dambeeyey ah, iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay 3-2.
Natiijadan ayaa ka dhigan in Chelsea ay fadhido kaalinta toddobaad oo ay isku dhibco yihiin Newcastle oo farqiga goolasha kaga haysa kaalinta lixaad, waxaanay leeyihiin min 57 dhibcood, halka Manchester United oo siddeedaad ku jirta oo Axadda la ciyaaraysa Arsenal ay haysato 54 dhibcood.
Nottingham Forest ayaa iyaduna haysata 29 dhibcood oo kaalinta 17aad ku jirta, waxaanay u baahan yihiin in ciyaarta ugu dambaysa horyaalka la qabto Luton Town amaba ay iyagu barbarro ama badis ka keenaan kulankooda Burnley oo maanta heerka labaad u dhacday.