Halyeyga reer England ee Jamie Carragher ayaa qirtay inuu ka xumaaday markii uu arkay xiddig mustaqbal fiican leh oo ku biiraya Manchester United suuqii xagaaga, waxaana uu adeegsaday kalmad ah ‘waan ka xumahay in aad sidaa samaysay’.
Manchester United ayaa waxaagii waxa ay la saxeexatay saddexda ciyaartoy ee Rasmus Hojlund, Andre Onana iyo Mason Mount, balse haddana waxa ay miiska kala-sarraynta Premier League kaga jirtaa kaalinta siddeedaad.
Ciyaartoyga soo jiitay Jamie Carragher ee uu ka xumaaday inuu tegay Manchester United waa weeraryahanka reer Denmark ee Rasmus Hojlund oo uu xusay inuu jeclaan lahaa in uu ugu yaraan sannad kale sii joogo kooxdiisii hore ee Atalanta, isla markaana xilli-ciyaareedka soo socda uu ku biiri lahaa mid ka mid ah kooxaha waaweyn ee Yurub ee guusha la saaxiibka ah.
Rasmus Hojlund oo ay Manchester United kaga soo iibsatay Atalanta £72 milyan oo Gini, ayaa xilli-ciyaareedkiisii ugu dambeeyey usoo dhaliyey kooxdiisa 27 gool oo horyaalka ah, balse Man United ayaa uu ku rafaaday oo ay dhalinta goolashu ku adkaadeen.
Jamie Carragher oo la weydiiyey Rasmus Hojulnd ayaa yidhi: “Waan ka xumaaday Hojlund in uu tago Man United sababtoo ah waa wiil da’yar, waxaanay u muuqataa inuu waqti hore usoo booday Man United.
“Waxay ahayd inuu tago koox kale muddo laba sannadood ah, kaddibna iska caadi ayey noqon lahayd inuu yimaaddo Man United. Waan ka xumahay waxa uu sameeyey.”
Jamie Carragher ayaa waxa uu tusaale usoo qaatay ciyaartii bahdilaaddu ku dhacday Manchester United ee ay Crystal Palace ku xasuuqday 4-0 Isniintii toddobaadkii hore, taas oo uu garoonka iska dhax taagnaa markii uu waayey cid lashaqaysa oo kubbado u geysa.
Inkasta oo uu lix ciyaarood oo isku xigta oo horyaalka ah goolal u dhaliyey Man United intii u dhaxaysay January 14 illaa February 18, haddana waxa tirada goolasha uu u saxeexay Man United ay yihiin 11 gool.