Kooxda kubadda cagta Inter Milan ayaa ku guuleysatay horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A kaddib markiiay garaacday kooxda ay isku magaalada yihiin ee Inter Milan oo kulanka lagu naanayso ‘Derby della Madonnina’ ay saddexda dhibcood ee caleemo-saarka kaga qaadatay.
Inter Milan ayaa xidhan doonta laba xiddigood wixii maanta ka dambeeya, sababtoo ah horyaalka Talyaaniga waxa tobankii horyaalba lagu qaataa hal xiddig oo lagu tosho garanka iyo dharka kale ee kooxda, waxaana Talyaaniga saddex dhibcood haysta Juventus oo kaliya.
Nerazzurri ayaa horyaalka loogu caleemo saaray garoonka San Siro Stadium markii ay 2-1 kaga adkaatay AC Milan isla markaana 17 dhibcood oo nadiif ah ay hoggaanka ku qabteen iyadoo shan ciyaarood oo kali ahi hadhsan yihiin.
Inter ayaa horyaalkan uu ahaa midkii koowaad ee uu u qaaday tababare Simone Inzaghi oo xilli-cyaareedkii horena ka caawiyey inay ku guuleystaan Coppa Italia iyo Supercoppa Italiana oo ay labadaba finalkii ku garaaceen Lazio.
Xilli-ciyaareedka oo dhan ayay Inter Milan haysay hoggaanka horyaalka Serie A, inkasta oo ay usbuucii siddeedaad kaalinta labaad u dhaceen markii ay barbarro 2-2 ah galeen, balse usbuucii xigayba ay kaalinta koowaad kusoo noqdeen.
Hal kulan oo kaliya ayaa ay Inter Milan guul-darraysatay horyaalka xilli-ciyaareedka oo dhan, waxaana 2-1 kaga adkaatay Sassuolo oo waliba marti u ahayd September 27, 2023, waxaanay barbarreeyeen shan jeer halka ay guuleysteen 27 ciyaarood, balse ma awoodi doonaan inay barbarreeyaan rikoodhkii Juventus ee waqtigii Antonio Conte oo ay 102 dhibcood ku dhamaysteen xilli-ciyaareedka.
20ka horyaal ee Serie A ama Scudetti ee ay ku guuleysatay Inter Milan, waxa ku jira midkii xilli-ciyaareedkii 2005-06 ee muranka dhaliyey ee laga xayuubiyey Juventus oo heerka saddexaad loo diray, sidoo kalena loo diiday AC Milan oo koobka lagu wareejiyey Inter Milan oo kaalinta saddexaad ku jirtay.
Si kastaba ha ahaatee, dad badan ayaa ku dooda, inay ahayd in horyaalka xilli-ciyaareedkii 2005-06 aan la siinin Inter Milan oo la laalo sidii la sameeyey xilli-ciyaareedkii ka horreeyey ee 2004-05 oo inta laga wareejiyey Juventus aan koox kalena la siinin.