Jude Bellingham ayaa sheegay inuu doonayo inuu seddex koob oo waa weyn ku guuleysto xilli uu ku guuleystay abaalmarin weyn xalay.
Habeen ka dib markii uu dhaliyay goolkii guusha ee El Clasico, Jude Bellingham ayaa ku guuleystay abaalmarinta laacibka soo baxay ee sannadka ee Laureus World Sports Awards.
Bellingham ayaana qirtay inuu doonayo inuu seddex koob kale kor u qaado ka hor inta aysan dhamaanin bisha July.
Waxa uu yiri: “Guusha waxay noqon doontaa marka aan isku qaado seddexda koob ee La Liga iyo Champions League oo aan la qaado Real Madrid iyo Euro 2024 oo aan la qaado England.
“Waxaa weli inoo haray kulamo yar oo aan ku soo gabagabeyno La Liga, ka dib waxaa ina sugaya labo kulan oo adag oo aan la ciyaareyno Bayern Munich.
“Ka dib waxaa soo haray koobka Qaramada Yurub, waxaan ku rajo weynahay inaan qaab ciyaareedkeenii tartamada ugu danbeeyay inaan la tagno Euro 2024 oo aan ku guuleysano. Waxay qaadan doontaa shaqo badan iyo nad huris laakiin waan ku guuleysan karnaa.”