Cesc Fabregas ayaa raacay wadadii Mikel Arteta si uu u noqdo tababare weyn sida ay qortay The Sun.
Macalinka Arsenal Arteta, Thierry Henry iyo Patrick Vieira ayaa dhamaantood leysanka tababarenimo ku helay inay la shaqeeyeen Osian Roberts.
Hadda xiddigii hore ee Gunners iyo Chelsea Fabregas ayaa ah kaaliyaha tababaraha kooxda Serie B ka dhisan ee Como oo lagu magacaabo Osian Roberts.
Roberts oo ah agaasimihii hore ee farsamada FA-ga Wales, ayaa yiri: “Waxaan la shaqeeyay oo aan soo saaray tababarayaal da’ yar oo tayo sarre leh sida Mikel Arteta, Patrick, Thierry, Pep Lijnders.
“Laakin Cesc Fabregas xaqiiqdii wuxuu ku jiraa qeybta ugu sareysa. Waxa uu doonayaa in uu noqdo tababare mustaqbal fiican leh.
“Shaqadaan waxay u tahay fursad weyn isaga madaama uu ciyaaraha ka fariistay kaliya xagaagii hore, waxa uu haatan fursad u heystaa inuu leyliye noqdo oo uu buuxiyo booska caawiyaha tababaraha.
“Waxa uu ahaa ciyaaryahan tayo sare leh laakiin sidoo kale waa nin caqli badan.
“Waa nin dhalinyaro ah oo aad u cajaa’ibya, si dhab ahma ay shaqsiyadiisu u wanaagsan tahay.
“Muhiim ayuu ii yahay hadda. Horyaalkaan wuxuu ka dheelay xilli ciyaareedkii hore sidaasi darteed wuu garanayaa dhamaan kooxaha inaga soo horjeeda, garoomada iyo qolkeena labiska. Caawiye weyn ayuu ii yahay.”
Roberts oo 58 sanno jir ah waxay shaqada kala bedesheen Fabregas oo ay kooxda Como ay wada leeyihiin isaga iyo Thierry Henry.
Ninka reer Wales ayaa loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda bishii December markii uu Fabregas booskaas baneeyay madaama uusan heysanin leyska tababarenimo ee UEFA.
Faberegas ayaa xagaagan geli doona imtixaanka lagu qaadanayo leysan tababarenimo ee UEFA si uu awood ugu yeesho inuu tababare buuxda noqdo.