Kooxda kubadda cagta Manchester City waxay karbaashi doontaa Chelsea marka ay Sabtida berri iskugu yimaaddaan garoonka Etihad Stadium, waxaana ay Blues u dhaadhici doontaa kaalinta 10aad ee miiska kala-sarraynta Premier League, sida uu saadaaliyey khabiirka ciyaaraha Dimitar Berbatov.
Murugada ugu weyn waxa ay ku habsan doontaa Liverpool oo barbarro niyad-jab ah la geli doonta Brentford waqti hore oo duhurnimada Sabtida ah kooxda Brentford oo ay booqasho ugu tegi doonto, waxaanay taasi fursad u noqon doontaa Manchester City oo si buuxda ula wareegi doonta hoggaanka horyaalka iyo Arsenal oo iyaduna dhibco ahaan la sinnaan doonta, sida ay muujinayso saadaasha Dimitar Berbatov.
Arsenal ayaa iyaduna guul kasoo gaadhi doonta Burnley oo ay u tegi doonto, taasina waxay ka dhigan tahay in ay Liverpool usoo dhici karto kaalinta saddexaad maadaama ay farqiga dhibcaha iyo goolasha ka sinmi doonaan Gunners, halka Man City ay kaalinta 1aad geli doonto maadaama ay ciyaar baaqi u tahay.
Dimitar Berbatov waxa kale oo uu saadaashiisa ku sheegay in Manchester United ay guul kala soo laaban doonto Luton Town, sidoo kalena ay Tottenham iyo Aston Villa sii xajisan doonaan boosaskooda.
Halkan kaga bogo saadaasha kulamada 25aad ee Premier League
Brentford 1-1 Liverpool
Burnley 1-3 Arsenal
Newcastle 2-0 Bournemouth
Fulham 1-1 Aston Villa
Nottingham Forest 2-2 West Ham
Tottenham 2-1 Wolves
Man City 3-1 Chelsea
Sheffield United 2-1 Brighton
Luton 1-3 Man United
Everton 1-0 Crystal Palace