Sir Dave Brailsford oo ah masuulka ugu sarreeya maamulka cusub ee Manchester United ee uu dhisay Sir Jim Ratcliffe ayaa ka jawaabay codsi ka yimid taageereyaasha kooxdaas oo dalbanayey in loo keeno weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe ee shalay la shaacioyey inuu ka tegayo kooxdiisa PSG.
Laba taageere oo da’yar ah ayaa saaka fagaareyaasha usoo baxay iyaga oo sita boodhadh ay ku qoran yihiin ‘Miyeynu iibsan karnaa Mbappe?”, waxaana arrintani ay timid saacado kaddib markii Mbappe uu ku wargeliyey kooxdiisa PSG inuu ka tegayo xagaaga.
Sir Dave Brailsford ayaase ka jawaabay arrintan maadaama ay ahayd mid ay ka wada siman yihiin taageereyaasha Manchester United, waxaana uu Sir Dave Brailsford meesha ka saaray in kooxdiisu ay la saxeexan doonto Kylian Mbappe.
Masuulkan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada waxa uu ku sheegay, in Mbappe uu mar horeba go’aansaday inuu tago Real Madrid oo aanay iyagu wax fursad ah u haysanin, waxaanu yidhi: “Waxay ila tahay in Mbappe uu mar horeba qalbigiisu meel jiro oo uu go’aansaday inuu tago Real Madrid. Miyaanu go’aankaas gaadhin?”
Hadalka Sir Dave Brailsford ayaa waxa uu ka dhigan yahay in Manchester United aanay marnaba isku dayi doonin inay u dhaqaaqdo dhinaca Kylian Mbappe, waxaana sidaas oo kale u hadlay tababare Mikel Arteta oo sheegay in kooxdiisu ay jeclaan lahayd, laakiin ay u caddahay inuu tegayo Real Madrid.