Real Madrid ayaa fiidkii hore ee Axaddii waxa ay ku dabbaal-degtay magaalada Riyadh kaddib markii ay ku guuleysatay koobkeedii ugu horreeyey ee xilli-ciyaareedkan, iyaga oo finalkii Spanish Super Cup 4-1 ku garaacay Barcelona.
Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayay u ahayd koobkiisii 33aad ee ay Real Madrid ku guuleysato isaga oo madaxweyne u ah, waxaana uu noqday madaxweynihii ugu guulaha badnaa taariikhda Real Madrid isaga oo dhaafay Santiago Bernabeu oo 32 koob ay kooxdu qaadday waqtigii uu madaxweynaha u ahaa.
Carlo Ancelotti ayaa sidoo kale xalay ay u ahayd koobkiisii 11aad ee uu u qaado Real Madrid isaga oo tababare u ah, waxaana uu barbarreeyey Zinedine Zidane oo hore 11 koob ugu qaaday Real Madrid muddo ka yar shan sannadood oo uu laylinayay.
Ancelotti ayaa sannadkii 2014 waxa uu Real Madrid u qaaday Champions League, LaLiga iyo dhawr koob oo kale, halka soo-laabashadiisa haddana uu sii wato inuu guulo ka keeno garoomada isagoo sannadkiisii saddexaad sii dhamaysanaya.
Hadda waxa Carlo Ancelotti iyo Zinedine Zidane ka horreeya hal tababare oo kaliya oo ah Miguel Munoz oo 14 koob u qaaday Real Madrid, waxaana hubaal ah in Ancelotti uu soo qaban doono oo uu dhaafi karayo haddii uu dhamaysto qandaraas laba sannadood ah oo uu bishii hore saxeexay, kuwaas oo Bernabeu kusii hayn doona illaa sannadka 2026,