Halyeygii Liverpool ee Dirk Kuyt ayaa magacaabay laba tababare oo uu doonayo in midkood loo magacaabo macallinka cusub ee kooxda Liverpool ee beddelaya Jurgen Klopp oo horraantii sannadkan shaaciyey inuu ka tegi doono kooxdaas dhamaadka xilli-ciyaareedkan.
Dirk Kuyt ayaa waxa uu soo jeediyey in Liverpool aanay meel fog ka doonin tababaraheeda cusub, isla markaana dib ugu noqoto xiddigihii naadiga usoo ciyaaray oo uu xusay in magacaabistoodu ay noqon lahayd ‘wax cajiib ah’.
Waxa uu taageeray in Liverpool ay awooddeeda iskugu geyso sidii ay Xabi Alonso ugu qancin lahayd in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxdeeda, inkasta oo uu taariikh cusub ka samaynayo Bayer Leverkusen oo uu kula sii dhowaanayo inay ku guuleysato horyaalka Bundesliga. Waxa kale oo Kuyt sheegay in Liverpool ay dooran karto kabtankeedii hore ee Steven Gerrard haddii ay waayaan Xabi Alonso.
Dirk Kuyt ayaa yidhi: “Illaa maalintii koowaad ayaad arkaysay masaafada uu jari doono Alonso marka uu tababare noqdo. Aniga fikirkayga, cajiib ayay noqon lahayd mustaqbalka haddii uu tababaraha Liverpool noqon lahaa midkood labadaydii saaxiib ee Xabi ama Steven Gerrard.
“Labadooduba waxay leeyihiin tayo ay wax fiican kaga samayn karaan Liverpool. Way iska caddahay in Stevie uu muddo ka maqan yahay shaqada laakiin wali waa uu qaban karayaa shaqada, waxaanu leeyahay khibrad uu ku noqon karo tababare wanaagsan.”