Tababaraha Chelsea, Enzo Maresca ayaa xaqiijiyay in afar ka mid ah ciyaartoydiisa ay seegi doonaa kulanka soosocda ee FA Cup-ka.
Benoit Badiashile, Wesley Fofana, Keirnan Dewsbury-Hall iyo Aaron Anselmino ayaa seegi doona kulanka wareega saddexaad ee FA Cup-ka Chelsea sabtida la ciyaari doonaan kooxda Morecambe.
Maresca waxaa uu bixiyay xogtii ugu dambeysay ee dhaawaca Reece James iyo Romeo Lavia.
Tababaraha reer Talyaani ayaa xusay in James iyo Lavia ay qarka u saaran yihiin in lagu daro kooxda Chelsea ee wajihi doonta kooxda ka ciyaarta League Two kulanka ka dhacaya Stamford Bridge.
Kooxda Maresca ayaa ciyaareysa FA Cup ka dib markii ay barbaro 1-1 ah la gashay Crystal Palace kulankoodii ugu dambeeyay Premier League.
Maresca oo ka hadlayay shirkiisii jaraa’id ee ka horeeya kulanka sabtida ayaa yiri:“Haa Reece iyo Romeo labaduba waa diyaar, waxaana rajeynayaa inay heli karaan daqiiqado ciyaarta berrito.
Inta soo hartay dhamaantood waa diyaar Marka laga reebo Benoit Badiashile, Wesley Fofana iyo Keirnan Dewsbury-Hall oo aan ku lug yeelan doonin ciyaarta.
Chelsea ayaa ku guuleysatay tartanka FA Cup sideed jeer oo hore, waxaana ay rabaan sanadkaan in ay markii sagaalaad ku guuleystaan.