Ruben Amorim ayaa xaqiijiyay in Altay Bayindir uu ku soo bilaaban doono kulanka Man United ay la ciyaarayaan Arsenal Axada.
Isagoo ka hadlayay shirkii jaraa’id ee ka horeeya ciyaarta Arsenal, Amorim ayaa xaqiijiyay go’aankaan lama filaanka ku noqday jamaahiirta.
“” Wuu ciyaari doonaa, goolhaye Altay. wuxuu ciyaari doonaa kulanka Arsenal” Amorom ayaa yiri.
Amorim oo ka hadlaya taariikhda tartanka FA Cup waxa uu yiri, waxaan arkaa waxa qof walba arko. Runtii waa tartan qadiimi ah oo taariikh badan leh. Waxaan xusuustaa in aan daawaday qaar ka mid ah finalada tartankaan, oo ay ku jiraan markii aan ku guuleysanay Treble.
Waxaan ognahay muhiimada uu leeyahay kulan Arsenal, waxaan dooneynaa inaan badino si aan u helno qaab ciyaareed fiican”Amorim ayaa ka yiri shirkiisa jaraa’id ee maanta.
Goolhaye Onana oo kamid ahaa xiddigaha ugu muhiimsan shaxda Man United ayaa la xaqiijiyay inuusan qeyb ka aheyn kulanka Arsenal, taasoo la micno ah inuu lumiyay kalsoonida tababare Amorim.
Mar wax laga weydiiyay mustaqbalka Marcus Rashford, maamulaha Man United wuxuu yiri:”Waan arki doonaa waxa dhaca nimanyahow. Waxaan u baahanahay inaan diirada saarno kulanka soo socda.